Make your own free website on Tripod.com
 
 
News Wararkii

 


Mr Guuleed War murtiyeed cusub oo soo saarey musharaxa cusub ee puntland Eng. Axmed Mohamud Moalin .

By Guuleed M.Osman
m_hotmail.com

Goboladda Puntland
Ref: SOM/002/2001
Date: July 14, 2001Bosaso

Ku: Dhamaan Isimadda Beelaha ku bahowday
Ku: Dr. Yuusuf Xaaji Nuur
Sii-hayaha Xafiiska Xilka
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

Ujeedo: Musharax u taagan ka qaybgalka Doorashada 2aad ee
Madaxtinimada Dawlad Goboleedka Puntland

Marka hore anigoo ku hadlaya codka aqoonyahanada, culimaa’udiinka, dhalinyarada & dhalaanka mustaqbal la’aantu hayso, haweenka, waxgaradka iyom dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo codkayga Musharaxnimo waxaan si wadajir ah ugu riyaaqsannahay sida xilkasnimada leh ee uu uga soo baxay xilkiisii shaqo, ee uu sida sharciga ah ugu hayay bulshaeynta Puntland iyo sida sharafta leh ee uu u dhawray (Ilaah ha dhawree Dr. Yuusuf Xaaji Nuur) shuruucdii Axdiga ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Puntland laga dhisay1998.

Marka xigta anigoo ah Eng. Axmed Mohamud Moalin(Waxarey) kana mid ahaa aqoonyahanadii mudadii 10ka sanno ahayd ee ugu danbeeysay sida xilkasnimada leh uga shaqeynayey barnaamijyada qaranimada midoobay iyo Hay’addaha caalamiga ka fulinayeen dalka gudihiisa hawl la taaban karana u qabtay bulshada iyo maamuladii kala danbeeyey ee ka jiray goboladan haatan loo yaqaan Puntland. Sidaas darteed, waxaan go,aansaday in aan ka mid noqdo musharixiinta ka qaybgalaya doorashada 2aad ee Madaxtinimada DGPL.
Kadib markii aan daraasaad balaaran ku sameeyey qaladaadka maamuleed ee haatan ka jira Puntland. Taas oo ay aasaas u tahay ka maqnaanshaha ay aqoonyahanadu aysan ka qaybgalin maamulka xilalkiisa muhiimka ah.

Sidoo kale waxaan Alle ka baryayaa in shirweynaha 2aad uu ku qabsoomo si aan khilaaf iyo bur-bur lahayn, Ummada dhamaanteedna garansiiyo wadada toosan ee naxariista Rabi lagu helo. Ugu danbeyn, waxaan dhawaan shir jaraa’id ku soo bandhigayaa warbixin si baahsan uga hadlaysa barnaamijkayga waxqabadeed, aqoontayda iyo xilalkii aan horey ugu soo qabtay bulshada Soomaaliyeed.

Wabilaahi Towfiiq
Eng. Axmed Maxamuud Macalin (Waxarey)

By Guuleed Mohamed Osman


 





 
 
Copyright ©2000-2001
Guuleed.tripod.com