Make your own free website on Tripod.com
 
 
News Wararkii

 


Mr Guuleed DOWLADA KMG AH OO SHEEGTAY IN AY MUSHAHAR U QORAYSO CIIDAMADA PUNTLAND.

By Guuleed M.Osman
m_hotmail.com

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Golaha Baarlamaanka Dowlada KMG ah la hordhigay Qodob dhigayey in loo qoondeeyo Ciidamada Puntland Mushahar ay ku howwlgalaan. Wararku waxay intaa ku darayaan in Golaha Baarlamaankana uu ansixiyeey.Sida uu noo sheegay mid ka mid aha Xildhibaanada Dowlada ku meel gaarka ah ayaa noo sheegay in bisha soo socota ay u howlgali doonaan sidii loo siin lahaa Ciidamada Puntland Mushaharka dowlada, hase ahatee ma jiraan Ciidan ilaa iyo hada u qoondeysan, sida uu tilmaamay Xildhibaanku, waxay hirgelinayaan Ciidamo hor leh oo laga diiwaangeliyo deegaanka Puntland oo dhan.

Talaabadan oo ah mid ay ku doonayso dowlada ku meel gaarka ah in ay howlgaladooda ka bilaabaan deegaanada Puntland iyo Soomalilan.Ma cada ilaa iyo hada sida ay ugu suurtagelayso Howlgalada Ciidan eee ay damacsan tahay dowlada KMGah iyadoo ay horay u jireen iidamo ka amarqaata COL. C/Laahiyuusuf oo haataana xilka kororsaday.Maalmahanba waxaa ka taagnaa deegaanka Puntland xiisado siyaasadeed oo murugasan, dad badan ayaa aaminsan in Colaadii Tobonka Sanno ka dhici weyday aya haatan ka soo fool leedahay deegaanka sida aya u dhaqmayaan Siyaasiyiinyta kuherdamaya Loolanka Madaxtinimada Puntland.

By Guuleed Mohamed Osman


 





 
 
Copyright ©2000-2001
Guuleed.tripod.com