Make your own free website on Tripod.com
 
 
News Wararkii

 


Mr Guuleed Ismada puntland oo la filayo maanta in uu kulan uga furmo Garowe

By Guuleed M.Osman
m_hotmail.com

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaas ay ku sugan yihiin Isimo badan oo ka tirsan deegaanka Gobolka Bari, Nugaal iyo Mudug, waxaana la filayaa in ay ku soo biiraan Isimadda Gobolada Sool iyo Sanaag Maanta. Sidoo kale wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ayaa sheegaya in Maanta uu ka ambabaxayo halkaas Boqor Maxamuud Boqor Muuse, si uu uga qeybgalo Kulanaka ay ku yeelanayaan Isimadda Magaalada Garoowe.Wararku waxay intaas ku darayaan in Maanta Kulankoodii ugu horeeyey ay ku yeelan doonaan magaalada Garoowe Isimadda isugu tagaya halkaas. Ma cada ilaa iyo hada waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan, hase ahatee waxaa ugu weyn oo horyaala waxa weeye sidii wax looga qaban lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhex oogan Xilka sadexda sanno loo kordhiyey C/Laahi Yuusuf iyo Ninka sii hayaha Maadaxtinimada ku doodaya.

By Guuleed Mohamed Osman


 





 
 
Copyright ©2000-2001
Guuleed.tripod.com