Make your own free website on Tripod.com
 
 


 


Waraysi aan layeelaney reysalwasaaraha DKM ah ee soomaaliya Dr Ali Khaliif Galayr asaga oo jooga magaalada Brussel ee wadanka Belgium.

By Guuleed M.Osman
m_hotmail.com

Waxaa suura gal noonoqotey inaan la kulano reysalwasaaraha dowlada ku meelgaarka ah ee soomaaliyeed Dr Ali Khaliif Galayr. Waxaana reysalwasaaraha ku kulaney hotelka uu degenaa ee magaalada Brussel, wuxuuna u yimi inuu ka qaybgalo kulankii qaramada midoowey ee looga hadlayey dhibaatooyinka afartanka doowladood ee aduunka ugu saboolsan. Si xushmad iyo qadarini ku dheehan tahay ayuu noo soo dhoweyey waxaana la yeelaney wareysi ku saabsan xalaada guud ahaan ee uu wadanku ku sugan yahay iyo waxyaabihii u qabsoomey dowlada ku meelgaarka ah, gaar ahaan xaga nabadgelyada siyaasada arimaha dibada iyo lacagihii been abuurka ahaa arimo ku saabsan, wuxuuna wareysigu u dhacay sidan soo socota.

S. Dr Ali Khaliif waad ku mahadsantahay inaad wax naga siiso waqtigaagii qaaliga ahaa. Su'aasha ugu horeysaa waxay tahay warbixin guud managasiin kartaa xaalada Guud ahaaneed ee wadanku ku sugan yahay maanta?

J. Xaalada wadanku aad ayey u fiican tahay, DKM ah waxyaabo badan bay qabatey intii yareyd oo ay jirtey qaasatan xaga nabadgelyada iyo xaga arimaha dibadaba. Dowladani waa dowlada keliya ee aduunweynuhu uqoonsan yahay dowlad soomaaliyeed tahay waxaana aqoonsi ka helney caalamka oo dhan puntland iyo somaliland ma aqoonsana aduunweynuhu, shacabka soomaaliyeedna meelkasta uu joogo dowlada ku meelgaarka ah ayuu rabaa.

S. Dagaaladii jimcihii ka dhacay magaalada Moqadisho gaar ahaan kuwii dekeda Moqadisho ka dhacay waxay kooxaha dowlada ka soo horjeedaa ku eedeeyeen iney DKM ah ay mas'uul ka ahayd, maxaad arintaa nooga sheegi kartaa?

J. Dowlada ku meelgaarka ah masuul kama ahay dagaalkaa oo waxaa jirtey niman maleeshiyo ah oo ahaa kuwa dekada gacanta ku hayey oo dhaqaale doon ahaa iyo maleeshiyada Xuseen caydiid iney isku dhaceen, dhowr qofna waa ku dhinteen kuwa kalana waa ku dhaawacmeen laba ilaa sedex gawaari ahna xuseen caydiid ayaa laga gubey. Wax ciidan ah oo dowlada ay sheegato oo dagaalkaa ka qaybqaateyna ma jiraan walaa boliska walaa ciidan kale oo dowlada xereysaniba wax ka qayb qaatey ma jiraan.

S. Gudiga dib u heshiisiinta qaranka oo ay dowlada ku meelgaarka ah dhowaan magacowdey xageebey howshiisu mareysaa?

J. Gudiga howshiisu waa bilaabimi doontaa, waana gudi ka madaxbanaan xukuumada oo dowladu wax faragelin ah kuma laha, dowladana waxa alaale wixii taakuleyn ah oo ay uga baahdaan diyaar ayeynu ula nahay.

S. Wareysi Dhowaan lala yeeshey Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ah gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta qaranka waxa uu yiri, waxaa weli dhiman waxyaabo badan oo in la isku afgarto u baahan. Wax ma nooga sheegi kartaa waxyaabahaas uu Cabdirisaaq tilmaamey?

J. Waqtiga Cabdirisaaq wareysiga lala yeeshey waxay ahayd waqti uu san wax docoments ah uu san xaga dowlada ka helin, laakiin dowladu wax ala wixii arintaa la xiriira hadeer way u dhameysey waxaana harey isku imaashihii gudiga oo keliya, waayo taana waxaa sababey odayaasha gudiga ka tirsan oo meelo kala duwan aduunka ka jooga, qaarna soomaaliya ayey joogaan qaarana wadanka dibadiisa. Waana niman odeyaal ah oo caan ah sharaf iyo xurmad badana ku leh shacabka soomaaliyeed dhexdiisa, waxaana eebe uga rajeynayaa inuu howshaa culus u fududeeyo.

S. Xaalada magaalada Kismaayo waxaa nugu maqaal ah in dowlada ku meelgaarka ah talaabadii ugu horeysey oo ay qaadey ay ahayd iney saad iyo rasaas ay u diraan kooxaha isku dhafan ee Magaalada kismaayo heysta, wax faafaahin ah arintaa managa siin kartaa?

J. Dowladu wax rasaas iyo hub sheegtaa kismaayo uma ayan dirin, laakiin waxay udirtey matooro iyo raashin, taasina dowladu waxay u dirtaa maleeshiyooyinka oo dhan waxaan xitaa wax u dirney maleeshiyooyinka hiiraan jooga iyo meelo badan oo wadanka kamid ah. Kismaayo dhibaatadeeda ma ahan dowlada ku meel gaarka ah waa nimanka xabashida ku soo hogaaminahaya magaalada Kismaayo. Kismaayo ma ahan magaalo cidi leedahay ama qabiil leeyahay mana ahan magaalo hartiyeed, ee waa magaalo soomaaliyeed oo dad badan oo kala duwan ee soomaaliyeed ay ku nool yihiin dowlada ku meelgaarka ahina waxay kismaayo dadaal ugu jirtaa xal qaran oo nabadgelya ah iney ku soo dabaasho.

S. Golaha mucaaradka ee lamagac baxay SRRC oo magaalada Hawasha dhowaan ku shirey, waxay Dowlada KM ah ku eedeeyeen iney dagaalo horleh ay dowladu wadanka ka abaabuleyso, arintaa maxaa ka jira?

J. Waan ognahay cida dagaalka wadanka ka abaabuleysa shacabka soomaaliyeed iyo aduunweynaha oo idil waa arkaan cida hubka wadanka ku soo gureysa ayagoo xabashida kaashanaya. Hubka ay soo guraynaan intaanu aragno ayeynan taaban, dowladu waxay jeceshahay iney waxa walba si wada hadal ah aynu ku dhameyso oo waxaaba nafaraya axdigii kumeel gaarka ahaa ee Carta oo ahaa iney dowladu wax walba wadahadal nabadeed ku dhameyso. Dowladu cidna ku duuli mayso dagaalna ma abaabuleyso umana soo jeedo arintaa.

S. Lacagihii been abuurka ahaa ee wadanka sicir bararka ku abuurey waxay kooxaha dowlada ka soo horjeedaa ku eedeynayaan, iney dowladu masuul ka ahayd, arintaa maxaa ka jira?

J. Lacagahaa been abuurka ah cida wadanka soo gelisey waa ninka Cabdulaahi yuusuf la yiraahdo oo xitaa ma ahan wax aan asaga ku dacayadeyneyo waa wax dhabah oo documents keeda ayeynu heynaa, waanu ognahay wadanka xitaa lacagta lagu soo sameeyey sida Thailand. waxaad kaloo ka garaneysaa sicirbararku wuxuu ka jiraa dhinaca puntland oo halka dolor moqadisho wuxuu ka joogaa 19000 oo shilin halka gaalkacayana uu ka joogo 21000 shilin. Waxaa jirta oo kale wax alaale wixii kharash ahaa ee shirkii Hawasha ku baxay inuu Cabdilaahi yuusuf bixiyey ilaa iyo maanta lacagahan nimanka Beydhabo joogaa ay qabsanahayaan waa lacagahaa.

S. Sidee ayey dowlada ku meelgaarka ahi rabtaa iney ula xaajooto Puntland iyo Somaliland?

J. Shirkii carta waa lugu casumey Cabdulaahi yuusuf iyo Ibraahim Cigaal, labadoodaba midna kama uusan soo qaygalin waayo Ibraahim Cigaal wuxuu ku jawaabey hadii aan madaxweynenimo la ii caleemo saareyn shirka ma imanayo Cabdilaahi yuusuf na wuxuu ku jowaabey hadii aanan reysalwasaare nimo la ii caleemo saareyn shirka ma imanayo. Madaxweyne nimada iyo reysalwasaare nimada ma ahan wax jeebkooda ay kala soo baxayaan waa xil ummada soomaaliyeed cidii ku haboon u dhiibeyso. Dadka waxgaradka ee Somaliland iyo Puntland shirka waa ay kasoo qaybgaleen maamulka iyo dowladana waa ay nugula jiraan. Cabdulaahi yuusuf wuxuu doonayaa dadka wixii aan asaga raacsanayn inuu qaarna caburiyo asagoo adeegsanaya awood qaarna uu rasaasmariyo, umana dulqaadaneyno caburintaa. Ibraahim Cigaal afitada cusub iyo dastuurka uu sheegayo wuxuu rabaa inuu odeyaal ka saxiixdo inuu lixsano oo kale uu xukunka sii hayo ee waxba kama jiraan dastuurkaa uu sheegayo. Waagii xoriyada ay soomaaliya qaadatey waxay soomaalida oo dhan gashey axdi layiraahdoAct Of Union axdigaana waxaa jebinkara oo keliya umadda soomaaliyeed oo dhan oo isku raacda ma aha wax Ibraahim cigaal iyo xoogaa odeyaal ahi ay jebin karaan.

S. Sedexdii sano ee DkM halsano ku dhowaad wuu idiin dhamaadey, ma laga yaabaa markey labada sano oo idiin hartey dhamaato inaad tiraahdaa sida Cabdulaahi yuusuf wakhti ha noloogu daro?

J. Ladada sano oo hadhey dowladu waxay fulineysaa howlo badan oo ay makid yihiin tirakoobka dadka soomaaliyeed, iyo in xisbiyo badan ay wadanka ka dhismaan. Waxaan kaloo isku deyeynaa inaan dhaqaalihii wadanka dib u soo dhisno waayo dhaqaale la'aan maamul ma dhismo, waxaynu kaloo hirgelinaynaa sistem dimuquraadi ah oo ku dhisan One Person One Vote, waxaana howlahaa ku rajoweynahay inaan ku dhameyno mudada labada sano ee inoo hartey. Aniga Cali ahaan in ay waxyaabo lama filaan ah dhacaan mooyaane laga mayaabo inaan waqtigaa ka dib raaysalwasaare sii ahaado.

S. Ugu dambeyn maxaad bulshada soomaaliyeed ee wadanka Belgium ku nool kula dardaarmi lahayd?

J. Waxaan ku oran lahaa wadankan aad martida ku tihiin si sharaf ah ku jooga, caruurtiinana ku dadaala inaad waxbartaan qaasatan xaga diinta islaamka iyo dhaqanka islaamka wadankiinana niyada ku haya.

S. Waad ku mahadsantahay warbixintaada.

J. Idinkaa mudan.

Waxaa wareysiga reysal wasaaraha la yeeshey Mr Guuleed Mohamed Osman iyo Mr Abuulkar Siciid oo ka socdey ururka samafale ee soomaalida Belgium.

 





 
 
Copyright ©2000-2001
Guuleed.tripod.com