Make your own free website on Tripod.com
 
 
News Wararkii

 


Mr Guuleed Waraysi lala yeeshey sii hayaha xilka madaxweyne nimanda puntland mudane yuusuf xaaji aadan.

By Guuleed M.Osman
m_hotmail.com

S:Ugu horeyn waxaan ku weydiinayaa guddoomiyaha Maxkamadda ayaad ahayd, waxaadna hadda sheegatay in aad tahay sii hayaha xilka Madaxweynanimada Puntland, xukuumada C/laahi Yuusufna xilkii saddex sanno ayay kororsatay, waa maxay figrada aad ka qabtaa arrimahaan hadda taagan?.

J: waa runtaa waxaan ahaa Guddoomiyihii Maxkamada Sare, mudadii dawladii jirtayna xilka waan hayay,laakiin, markii uu dhamaaday waqtigii dawladu waxaa Jaartarku sida uu qabo waxaa ila gudboonaatay in aan iclaamiyo in ay dhamaatay xiligii golaha Wakiilada iyo kan xukuumadda oo aan iclaamiyo in shirweyne la isugu yimaado halkaasna lagu doorto Madaxweyne iyo ku xigeen ka dibna wixii maamul ah sidaas lagu dhiso shirkaas oo ay isugu imanayaan dadweynaha Puntland ergooyinkooda si ay u doortaan mas’uuliyiin haysta kalsoonida dadweynaha xiliga soo socdana xilka hayaan.

S: Laakiin, waxaa waxaas oo dhan ka horeeya Jaartarkii Puntaland waxyaabo badan ayaa laga badalay qodobka 28-aad ayaa ka mid ah, taa maxaad markii hore uga hadli weydeen inta aad xilka iyo doorashada ka hadlaysaan?

J: Jaartarku wuxuu oranayey saddexda sanno marka ay dhamaato cid awood u leh oo kordhin karta ma jirto, waxaa jirtay in la diyaariyey dastuur, dastuurkii ayaa qolada dheeraysatay waxay yiraahdeen ku meel gaar ayuu dhaqan galayaa taasina arrin sharciyan jirta maahan, dastuurku wuxuu ku dhaqan galaa in dadweynaha loo bandhigo, afti la sameeyo ama in dadku doorto oo dastuur sameeyaan labadaas qaab ayaa qaanuunka dastuurka ah ogol yahay in lagu sameeyo dastuur cusub, labadii qaabna midnaba lama raacin, arrinta la sameeyeyna mid sharciga ka soo horjeeda weeye.

Maxaa yeelay golaha wakiiladu iskiis uma dheeraysan karo, xukuumaduna uma dheeraysan karto waameelaha la yiraahdo (yacni in si qaldan awoodii loo adeegsaday) qaanuunku sidaas ayuu ka qabaa, aniga xilka I saran waxaa weeye in aan iclaamiyo dadweynaha u sheego in ayan qaanuun ahayn arrintaasi, haddana waa ku taagnahay ilaa hadana waxaan qabaa in arrintaasi tahay jidkii saxa ahaa aana sheegay dadweynaha Puntland ayayna u taalaa in ay isu yimaadaan oo ikhyaarkooda doortaan dadkii noqon lahaa mas’uuliyiinta, waa in ay isu yimaadaan Ergooyinku yimaadaan, la sameeyo gudi diyaariya ama daraft sameeya ama jaartar hala sameeyo ama Dastuur hala sameeyo waa in hadda la sameeyo gudigaas wax ka badalaaya Jaartarka.

Maxaa yeelay anagu waxaanu nahay dawlad goboleed waxaa haboon intii aanu isku shuqlin lahayn dastuur weyn oo mashaakil ah in aanu Jaartarkeena in wixii aanu hadda ka gudubnay isaga laftigiisa loo saaro gudi farsamo oo lagu daro ama haddii la isku waafaqo in la sameeyo Dastuur laakiin, qolada hadda is magacawday oo dheeraysatay saddex sannay haysteen oo jaanis ah saddexdaas sanno ma ayan diyaarin Dastuurkii ayaamihii ugu danbeeyey bay diyaariyeen waana dhaqan galiyeen dhaqan galkaasuna mid sharciga waafaqsana maahan.

S: Qodobadii la badalayey oo ay hadda xukuumada P/land ku doodayso ee 28.2aad, ma waxaad leedahay waxba kama jiraan?

J: Qodob ayaa jira wuxuuna leeyahay mudada haday dhamaato shirweyne ayaa la qabanayaa taasi waa mid aan laga hadli Karin, kan ay badaleen waa midka ay leeyihiin dastuurka cusub ayaa kumeel gaar ahaan isagoo aan shacbiga afti looga fidin, isagoo aan tirakoobkii la samyn ayuu dhaqan galayaa, kaas weeye anagu midka aanu leenahay sharciga ayuu khilaafsan yahay, kaas lama sameyn Karin, awoodna uma lahayn Baarlamaanku, sida aad ogtahayna qofku waxba isuma magacaabi karo mana dheeraysan karo mudada, mana oran karo anigu Madaxweynaan ahay 5 sanno oo kaleetaa la I doortay, waa in la doorto oo intikhaab jiro oo run ah, golaha wakiiladu way dheeraysteen xukuumadana isku masiir ayay ahaayeen hade iyadoo dhan way u dheereeyeen oo dooni ayay wada saarnaayeen.

S: Waxaad sheeganaysaa in aad tahay sii hayaha madaxtinimada Madaxeynanimada P/land, Yaa kuu doortay xilkaan?

J: Aniga waxaa ii xilsaaray Jaartarka, Jaartarka P/land qodob ka mid ah ayaa oranaya saddexda sanno haday dhamaato waxaa xilka uu ku wareegayaa Gudoomiyaha Mxkamada Sare si qaanuun ah cidna lagama baryaayo, cidna iguma wareejinayso, haddii la igu wareejin waayo anigu waa in aan sheego mawqifkayga qaanuuniga ah xilkaas aniga ayaa mas’uuliyadeeda qaadaya.

S: Waad la socotaayo xukuumada C/laahi Yuusuf uu hormuudka ka yahay saddex sanno ayaanu xilka kororsanay ayay leeyihiin, Musharixiin badan oo hada Garoowe ku sugan waxa ay leeyihiin waa in ay doorasho dhacdaa, adigu xilka sii hayaha madaxtinimada ayaad ku doodaysaa, ma is oranaysaa arrimahaas aynu soo sheegnay oo dhan xal ayay keeni karaan?

J: Aniga xilkaygu waxaa weeye in aan gaarsiiyo shirweynaha dadweynaha P/land ma lihi Ambition Siyaasadeed waxaygu waa farsamo dadkaas ayaa markii shirweyne la doorto iyagaa masiirkooda ka talinaaya qofkii halkaas aaraadiisa soo bandhiga dadku ay rabaan qofkaas ayaa noqonaaya eex iyo cadaalad xumo aanay ku jirin, maxaa yeelay masiirka shacbigeena khaasatan Jiilka soo socda wuxuu u baahan yahay cadaalad wuxuu u baahan yahay Dimuquraadiyad, wuxuu u baahan yahay afkaar xor ah in la carbiyo maxaa yeelay kuma jiri karno xukun maroorsi iyo xoog in wax lagu qaato, marka anigu waxaan qabaa waxaa xalaal noqonaaya ninkii halkaa lagu doorto shirkaas oo Isimadu goobjoog ka yihiin Ergooyin Ajnabi ahi goobjoog ka noqonayaan.

By Guuleed Mohamed Osman


 





 
 
Copyright ©2000-2001
Guuleed.tripod.com